Magacyada xubnaha BF ee wasiirnimo soo codsayday oo la yiri hala shaaciyo

Xildhibaano u waramay Idaacada VOA ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaanada mooshinka wada ee lagu faragelinayo shaqada Abdiweli Sheekh Axmed si u soo xusho ciddii uu doono in ay yihiin kuwii codsaday in wasiir loo magacaabo ama qof ay wataan laga dhigo wasiir oo arrintaas ku guul daraystay ee ridistii Abdi Farax Shirdoon danahaas ka lahaa. 

Magacyada xubnaha Barlamaanka ee soo codsayday wasiirnimo ha la soo bandhigo. Xubnahaas barlamaanka Somalia xaq uma la ha in ay u codeyaan moshinka hadda la keenay iyo ansixinta wasiirada xukumada cusub ee Raisul Wasaaraha cusub Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed soo magaabi doono midkoodna.

Xildhibaanada arrintaan lagu soo caddeyo waxay galeen denbi ah“Conflict of Interest” ama dano iska hor imaanaya. Marka hore waa in ay ku caddaato in ay dalbadeen in wasiirnimo loo magacaabo ama xitaa ay u ololooyeen in qof qaraabo ama saaxib la ah laga dhigo wasiir. Qaar kale oo waxa jira isu soo sharaxay jagada Raisul Wasaaraha oo sida aan wada ognahay waayey.

Sida muuqata xubnaha barlamaanka waxay xod xodasho, juhdi badan iyo kharash badan ku bixyeen sidii ay ku heli lahaayeen jago wasiirnimo ayaga oo odayaal bakoorado wata oo ay ku sheegayeen “Nabadoono&Waxgarad” ku qabiil ah kharashna kaga baxday soo hor dhoobayey habeen iyo maalin Villa Somalia si ay codkooda ugu biiriyaan in wasiirnimo la siyo xildhibaanka.

Ma dhici kartaa in nin gabadh doonaya in uu guursado aadna u jecelyahay oo kabaha kaga dhamaadeen raadinteeda kharash badanna ka galay in isaga fasax loo weydisto in nin kale loo mehriyo gabadha? Jawabta waa macquul ma aha.

“Adeer Masaajidka Ciyaarta Ha laga Daayo”waxa yiri oday Somaliyed oo gabadhiisa ka yaboohay masajidka markii uu will ka tirsan Jareer Weyn u istaagay e yiri anigaa raba gabadha.

Aniga waxan dhihi lahaa Adeer Barlamaanka fowdada ha laga daayo. Umadda iyo dalka waxay idinka sugayaan wax qabad sidii ay ku heli lahaayeen caddalad, nabadgelyo,waxbaraho iyo horumar. Wey ka daaleen dad sida dhalaan yar yar isqabqabsi iyo isxag-xagasho ka dhamaan wayey.

Cabdinuur Cali Faarax
Waa maamule dugsi sare
Toronto , Canada
Email: a22farah@yahoo.ca

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online