Qaybtii 3-aad Soomaali laga soo daad gureeyay K/Sudan oo Muqdisho tagay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ayaa waxaa galabta soo gaaray qaybtii seddaxaad oo ah Soomaali laga soo daad gureeyay dalka Koonfurta Sudan, oo ay ka socdaalo dagaallo sokeeye.

231-ruux oo isugu jirra rag, dumar iyo carruur ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho,kuwaasoo ka yimid magaalada Juba ee xarunta Koonfurta Sudan.

Dadkan ayaa ka soo cararay dagaallada ka socda dalka Koonfurta Sudan, kuwaasoo ay ku dhinteen dad aad u fara badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadkan u dirtay diyaarad si u soo badbaadiyo,muwaadiniinta uga go’doonsan dalka adduunyada ugu cusub.

Waa markii seddexaad oo Soomaaliya laga soo daad gureeyay Koonfurt a Sudan la soo gaarsiiyo Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka la socday diyaaradda ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin,in ay si nabad galyo ku yimaadaan magaalada, waxaana ay umahad celiyeen dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha iyo sii hayaha wasiirka arrimaha dibedda Marwo Fowsiyo Yuusuf Aadan.

Soomaali badan ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin dalka Koonfurta Sudan, kuwaasoo u badan ganacsato, laakin markii uu billowday dagaalka, waxaa la sheegay in la boobay wiixi hanti oo ay lahaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com