Macallin Xaashi, Salaxeey, Salmaan Dheere iyo 136 kale oo laga dilay Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) oo goordhoweyd warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gal lagu dilay xubno badan oo Shabaab ah.

Howl-galkan ayaa ka dhacay dhul ballaaran oo kayn ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, gaar ahaana ku yaalla inta u dhaxeysa tuullooyinka Tawakal iyo Garasjeereed oo 12KM dhanka galbeed uga beegan degmada Janaale.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in howl-gal billowday shalay oo socdana illaa hadda lagu dilay 136 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay muujinayaan qiimeyn hordhac ah oo ay dowladda sameeysay, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in goobtaas lagu dhaawacay 98 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Howl-galka wuxuu si gaar ah uga dhacay goob weyn oo dadka gobolkaasi si weyn u yaqaanan Khawaarijtana ula baxeen Warta-Beder. Khawaarijta waxay goobtaas kusoo aruuriyeen koox maleeshiyaad ah oo dhowr boqol gaaraya oo u diyaarinayeen inay ku weeraraan shacabka Soomaaliyeed waxyeelana ugu geystaan,” ayuu yiri.

Xubnaha la laayay ayaa waxa ku jira horjoogayaal ka tirsan Shabaab oo la daba socday, kuwaasi oo uu ka magacaabay wasiirku horjooge magaciisa ku sheegay Salmaan Dheere oo Al-Shabaab u qaabilsana howl-galada Xeebaha.

Howl-galka intii uu socday ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in la khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Macallin Salaxeey oo isaguna Shabaab u qaabilsana weerarada ay ku qaadan degmooyinka Awdheegle, Qoryoolay iyo degmada Janaale deegaano hoostaga.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in howl-galkaan lagu khaarajiyay horjooge kale oo lagu magacaabo Macallin Xaashi, kaasi oo kooxda u qaabilsana waxay ugu yeeraan Jabhadaha ee ka howl-gala gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa kale oo la burburiyay kayd weyn oo hub, oo halkaasi ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab, kaasi oo illaa hadda gubanaya. Sidoo kale waxa la burburiyay gaadiid dagaal iyo kuwa kale oo saanad iyo waxyaabaha qarxa u isticmaali jireen.