Madax iyo wafdi caalami ah oo kusoo wajahan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in toddobaadkan ay soo gaari doonaan madaxda qaar kamid ah dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo wafdi heer caalami ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda dalka imaneysa uu ka mid yahay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, inkasta oo Eritrea aysan ciidamo ka joogin Soomaaliya, balse ay tababartay 5,000 oo askar Soomaali ah oo qaarkood ay weli dalkaas ku sugan yihiin.

Inkasta oo si rasmi ah loo ogayn qorshaha ay wafuudan culus u imaanayaan magaalada Muqdisho, ayaa haddana waxay kusoo aadeysa xilli guul wax ku ool ah laga gaaray dagaalka ay kal hore ku dhawaaqday dowladda federaalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa waxaa jooga in ka badan 23 kun oo ciidan shisheeye ah waa marka laga hadlayo kuwa Midowga Afrika.

Madaxda ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee imanaya Muqdisho ayaa sidoo kale waxay kusoo aadayaan xilli ay si weyn su’aallo u dul taagan yihiin ciidamadooda iyo howl-galka ay qeybta ka yihiin.

Howl-galka ATMIS (ex-AMISOM) ma ahan nabad ilaalin waase dagaalamayaal ay tahay inay nabada xoog ku keenaan, lana hardamaan kuwa diidan deganaanshaha iyo horumarka Soomaaliya.

Laakiin muuqaalka hadda laga dhex daawanayo ATMIS waa inay yihiin nabad-dhaliyayaal ku kooban xeryaha ku yaalla xeyndaabka amnigooda la adkeeyay ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

15-kii sanno ee lasoo dhaafay Soomaaliya deymaha ugu badan ee lagu qoray lacag ahaanta waa midda ay qaataan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan dalka, kuwaasi oo askari kasta uu qaato isku darka afar kamid ah askarta ciidanka xoogga dalka mushaarka ay qaadan lahaayeen.

Soomaaliya waxaa sii xoogeysanaya dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, ayada oo kooxda gacanteeda ka baxaan inta badan deegaanada ay gacanta kaga hayeen bartamaha Soomaaliya.

HirShabelle iyo Galmudug waxaa jooga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, inkasta oo ay billowgii sheegeen inay howl-galka qeyb ka qaadanayaan haddana xiligaan wax door ah malahan.

Haddii HirShabelle iyo Galmudug, ATMIS la’aantood looga guuleystay kooxaha argagixiso oo looga saaray waxay dadka is-weydiinayaan sababta joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya waqti xaadirkan oo is-weydiimo ay joogaan.

Waxaa si weyn isha loogu hayaa bixitaanka askarta Midowga Afrika, inkasta oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ballan-qaaday in uu ka shaqeynayo in ciidanka ATMIS (ex-AMISOM) ay ka baxaan Soomaaliya, lana wareegaan ciidanka Soomaalidu amniga Qaranka.