Linda Thomas oo Muqdisho kaga dhowaaqday malaayiin dollar oo la siinayo Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ergeyga dalka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Marwo Linda Thomas-Greenfield.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Linda guulaha ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen furimaha dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada iyo xoreynta deegaannada.

Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey dalka Mareykanku gacanta weyn ee ay ka geysanayaan la-dagaalanka argagixisada Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay khatarka argagixisadu ay ku hayaan gobolka.

Xasan ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cuna-qabetynta hubka ee saaran Soomaaliya dib-udhiska ciidamada iyo dadejinta dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyay Danjire Linda Thomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas.

Ergayga Mareykanka u fadhida QM ayuu sidoo kale wuxuu madaxweynaha ka dalbaday in ay qeyb ka noqdaan ololaha Soomaaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dhinaca kale, Linda Thomas-Greenfield ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu bixin doono in ka badan 41 milyan oo doollar oo dheeri ah, si loo badbaadiyo nolosha Soomaalida, looguna daboolo baahiyaha bini’aadinimo ee Soomaaliya.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya waa mid aad u xun,” ayay tiri danjire Thomas-Greenfield mar ay khudbad ka jeedinaysay Muqdisho. “Isku darka xiisadda cimilada; dhibaatada gudbinta saadka ee uu kiciyay COVID; iyo colaadaha – sida midda Al-Shabaab, ayaa eraygaas naxdinta leh ee -macluul- dib ugu soo celiyey Soomaaliya,” ayay raacisay.

“Macaluushu waa fashilka ugu dambeeya ee beesha caalamka. Dadkuna waa inaysan marnaba gaajo u dhiman. Waan diiday inaan aqbalo guul-darradaas.”

Dhinaca kale Linda-Greenfield Thomas ayaa ku bogaadisay madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen la-dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo deegaannada laga xoreeyey ee muddada ay curyaamiyeen.

Waxay soo bandhigtay sida ay uga qeyb qaadanayaan gurmadka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay u u baahan yihiin dadka laga xoreeyey argagixisada.