Xaalad cusub oo ka taagan ciidamada laga keenay Eritrea iyo Xasan Sheekh oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada lagu soo tababaray dalka Eritrea ee ku xareysan xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray gadood.

Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo ciidamada laga keenay Eritrea ayaa waxay ka cabanayaan noloshooda, xuquuq ka maqan iyo in si xun loola dhaqmay.

Madaxweynaha oo dadaal badan ku bixiyay soo celinta ciidankan ayaa waxa uu markii saddexaad shalay tegay xerada ay ku jiraan, isaga oo isku dayay in askarta qanciyo, dibna ugu soo celiyo xerada qaar ka baxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ciidamada u sheegay inay xaalada dejiyaan, islamarkaana loo fulin doono ballan-qaadka inay heli doonaan xuquuqdooda, mushaarka iyo daryeelka kale ay doonayaan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Habeen hore unbay ahayd markii uu madaxweyne Xasan la kulmay guddiga waalidiinta ciidankan, isagoo kala hadlay soo laabashada ciidanka maqan iyo fulinta balan-qaadkiisi ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.

Waalidka uu la kulmay madaxweynaha ayaa dhankooda uga mahad-celiyay mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdega ah ee uu u fuliyay balan-qaadkiisii.

Guddigaan ayaa madaxweynaha u sheegay inay ka dawoobeen tabashadii iyo wal-walkii ay qabeen, waxayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Kumanaan kamid ah ciidankii tababarka ku soo qaatay ayaa la keenay dalka, halka tiro kalena ay weli ku maqan yihiin dalka Eritrea, kuwaasi oo uu madaxweynuhu u sheegay waalidiinta in weli uu tababar u socdo.