Arrimaha Bankiyada dalka la gudboon kadib hanjabaadii kasoo yeertay Cali Dheere

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa shalay sii daayay farriin muuqaal ah oo ugu hanjabayo bangiyada Soomaaliyeed oo sidoo kale iskaga hor keenayo bangiyada iyo dadka aya lacaguhu u yaallan.

Sida ay dad badan la socdaan Al-Shabaab waxaa lagu qaaday dagaal dhaqaale oo aanay noociisa hore ula kulmin, waxa laga soo xiray lacagihii ay dekadda ka heli jireen.

Waxa kale oo dowladda xayirtay lacago ugu jiray akoono ay ku lahaayeen qaar kamid ah bangiyada dalka.

Cali Dheere ayaa dhibaatada dhaqaale ee kooxda soo foodsaartay wuxuu ka dhigay mawduuc gaar ah isaga oo ka hadlayay 12 daqiiqo. Wuxuu yiri lagama yeelayo bangiyada inay yiraahdan waxaa raacnay shuruucda caalamiga ah ee wareega lacagaha caalamiga ah.

Isaga oo farriintiisa shacbiyaynaya Cali Dheere wuxuu yiri bangiyada lagama akhrisanayo inay shacabka ku yiraahdaan lacagihiina waa la xayiray, shacab laga xayiray lacag ay lahaayeen majiraan ee maadama lacagihii Shabaab la xayiray wuxuu Cali Dheere farriintiisa ka dhigay mid shacabkana saameysay.

Hanjabaad ayuu u badna hadalka Cali Dheere, la idinkama yeelayo lacagihii waa la xayiray ayuu ku celceliyay afhayeenka Al-Shabaab. Qeyb hadalkiisa kamid ah wuxuu isku dayay inuu iska horkeeno bangiyada iyo dadka ay lacagaha u yaalan.

Wuxuu yiri lacago ma haysataan ee lambaro ayaa haysatan lacagihiina halis ayaa kusoo wajahan ee isku badnaada.

Nuxurka farriinta Cali Dheere waxay ahayd xaqiijinta in lacagahooda la xayiray iyo inuu bangiyada ugu hanjabo inay tallaabo ka qaadi doonaan haddii aan lacagahooda la fasixin.

Haddaba, Maxaa la gudboon bangiyada Soomaaliyeed?

Dalka wuxuu leeyahay dowlad, dhulka ay bankiyada degan yihiin waxa maamusha dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Bangiyada waxay ku shaqeynayaan ama ku qasban yihiin inay raacaan shuruucda caalamiga ah ee wareega lacagaha iyo hubinta maaliyadda.

Ma-jiro bangi awooda in uu jabiyo shuruucda caalamiga ah ee bangiyada kadibna uu la shaqeysto koox argagixiso ah.

Sharciyo adag ayay aduunyadu kasoo saartay in lacago loo kala gudbiyo kooxaha argagixisada, sidaas darteed Bangiyada Soomaaliya ku yaalla waxay ku qasban yihiin inay intaas ka badan aqbalin in hantidooda lagu laayo umadda Soomaaliyeed iyo in argagixisada akoono ku yeelato lacagna ku keydsato.

Dalka waxa ka socda dagaal shacbi ah, kaasi oo ku dhaw in uu soo afjaro kooxaha argagixisada, waxaana ganacsatada la gudboon inay xaqa garab siiyaan.

Dowladda iyo shacabka waxa hortaalla inay isha ku hayaan bangiyada raaca amarada kooxda ee fasaxa lacagaha xayiran ama u sameeya akoono cusub.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya wuxuu hadalka Cali Dheere u cadeynayaa xaaladda dhaqaale ee kooxda ku sugan tahay iyo sida u shaqeeyay dagaalkeedii dhaqaaluhu.

Balse dhinaca kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa laga raba sida ay u xoojin lahayd dagaalkeeda dhaqaalaha, dhinaca kalana u ilaalin laheyd hantida umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bangiyada oo ay kooxdu u muuqato in culeys soo saareyso xilligaan.