49 Al-Shabaab ah oo maanta lagu dilay howlgal culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in howl-gal qorsheysan iyo duqeymo lagu dilay illaa 49 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro kalana lagu dhaawacay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in howl-galka qorsheysan iyo duqeymaha ay ciidanka gaarka ah ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhamaan gaadiidkii dagaal iyo saanaddii hubka ay deegaankaas ku haysteen Khawaarijta Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta.

Xubnaha Shabaabka ah ee lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa waxay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin waxaa fashiliyay oo dhabarka ka jabiyay ciidanka Sirdoonka iyo kuwa xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina u mahad-celisay dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo maanta qayb ka ah dagaalka Al-Shabaab looga xoraynayo dalka oo dhan, islamarkaana ay garab taagan yihiin ciidanka qalabka sida ee dalka.

Howl-galkaan ay maanta dowladdu sheegtay in lagu dilay Shabaab badan ayaa kusoo aadaya xili uu gaabis ku yimid howl-galadii ka dhanka ahaa kooxda, kuwaasi oo kal hor si xawli ah uga socday qeybo badan oo dalka.