Xamza oo xil magacaabis cusub sameeyey maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Xoghaye cusub oo joogto ah ee ku meel gaarka ah u magacaabay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Faarax Aadan Xasan ugu magacaabay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Soomaaliya wareegto 19-kii bishaan kasoo baxday xafiiskiisa.

“Markuu tixgeliyay Ra’iisul Wasaaraha baahida loo qabo in la dar-dargeliyo habsami u socodka howlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka,” ayaa lagu yiri wareegtada oo maanta ay shaacisay Wasaaradda Cadaalada.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa shaacisay wareegtadaan oo maanta dhaqan-gashay, taasi oo lagu sheegay in magacaabidaan lagu sameeyay soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin.

Madaxda sare ee Qaranka ayaa inta badan sameeya magacaabis dhaqan-gasha muddo kadib magacaabistooda, sida dhacday dhowr jeer oo hore, oo wareegtooyin la diyaariyay ay xafiisyadooda baahiyaan muddo kadib.