KENYA oo hakisay dal-ku-galka baasaboorka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markale hakad galisay dal ku-galka baasaboorka Soomaaliya, taasi oo saameyn xoogan ku yeelatay Ganacsatada Soomaalida ee ka shaqaysta xarumaha lagu iibiyo tigidhada diyaaradaha.

Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida oo la hadlay VOA ayaa ka walaacsan saamayn xoogan oo uu ganacsigooda ku yeeshay hakad ku yimid dal ku-galka Kenya, ayada oo culeyskaasi uu sidoo kale saameyay bulshada Soomaaliyeed ee u safreysa Kenya.

“Qofka marka uu Visa helin ma goosanayo tigidh, dhaq-dhaqaaqa ayaa yaraanaya oo diyaaradaha Soomaalida inta badan waxay dib uga soo qaadan marka ay gobolada Soomaaliya kasoo baxayaan waa dad wata Baasaboorka Soomaaliya. Saameynta u weyn xataa waxaa dareemay diyaaradaha”

“Sababta ay arrintaan u dhacday wax cad ma jiraan, dowladda Kenya ayaa waxay go’aansatay inaysan Visaha siin Baasaboorada Soomaaliya, haddii la helana waa wax adag oo waqti badan ku xiran oo mararka qaarna la helayn.”

Illaa hadda majiro war rasmi oo kasoo baxay dowladda Kenya oo ay ku sheegayso inay joojisay dal ku-galkeeda Baasaboorka Soomaaliya, hase yeeshe arrintaan ayaa ah mid si weyn loo dareemay toddobaadyadii u dambeeyay.

Dhinaca kale, Masuuliyiin ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa sidoo kale arrintaan qiil uga dhigay inay saameysay kala wareega masuuliyiinta dowlada cusub ee dalka Kenya, dibna ay u bilaabi doonaan.

Madaxda Soomaaliya iyo Kenya oo horaantii bishii 9-aad ee sanadkaan wada-hadalo ku yeeshay magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay in la fudeydiyo isku socodka iyo ganacsiga labada dal, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii lagu fasaxay khaadka Kenya ee iman jiray Soomaaliya.

Si kastaba, Kenya ayaan fulin xitaa hal qodob oo ka mid ah heshiiskaas, waxaana cad in mar kale madaxda Soomaaliya laga saxiixay heshiisyo been ah oo Kenya kaliya u daneynaya.