Itoobiya oo soo farogelisay khilaafkii guddoomiyaha Gedo iyo taliyaha NISA – Xog

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta la xaliyey khilaafkii u dhexeeyey guddoomiyaha maamulka gobolkaasi, Axmed Buulle Gareed iyo taliyaha NISA EE Gedo, Bakaal Kooke.

Khilaafka ayaa waxaa lagu soo afjaray degmada Doolow, kadib wadahadallo maalmo socday oo ka dhacay degmadaasi, kuwaas oo la’isugu keenay labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda Itoobiya ayaa faragelisay xiisaddan, waxaana saraakiil ka tirsan dalkaas oo ku sugan gobolka Gedo ay isku keeneen Axmed Buulle iyo Bakaal Kooke, ayada oo sidaas ku xalisay khilaafka labada nin oo sameeyey gobolkaasi.

Arrinta la’isku qabtay ayaa aheyd lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado degmada Doolow iyo sidoo kale degaanada kale oo ay ku murmeen labada mas’uul.

Munaasabad kooban oo lagu qatay degmada Doolow ayaa ugu dambeyn la’isugu keenay guddoomiyaha gobolka Gedo iyo taliyaha NISA, ayaga oo isku gacan qaaday goobta, iskuna cafiyey, waxaana lagu ballamay inay wada shaqeeyaan lana sii amba qaado howlaha kale.

Guddoomiyaha oo hadal kooban siiyey warbaahinta ayaa shaaciyey inuu soo dhammaaday khilaafkii ka taagnaa gobolka, ayna si caadi ah kusii socon doonto shaqada maamulka.

Gedo ayaa waxaa kusoo noq-noqday khilaafaad dhanka maamulka ah, kaas oo dib u dhigay hormarkii gobolkaasi oo xudun u noqday murankii hareeyey ee doorashadii soo dhamaatay.