Aadan Barre oo wasiir sare loo magacaabay iyo Ruto oo shaaciyey golaha wasiirada

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta ku dhowaaqay qaar ka mid ah xubnaha golaha cusub ee wasiirrada ee dalkaaasi.

Xidhibaan Aadan Barre Ducaale oo Soomaali ah ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga Kenya, halka Alfred Mutua uu ka noqonayo wasiirka arrimaha dibedda, sida ay sheegtay warbaahinta Kenya.

Aadan Barre ayaa ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow madaxweyne Ruto, wuxuuna si xooggan ugala shaqeeyay ololihiisa doorashada ee guusha ku dhammaaday 9-kii August markii ay dhacday doorashada madaxweynaha.

Xubnaha kale ee golaha wasiirrada waxaa ku jira Moses Kuria oo noqonaya wasiirka ganacsiga iyo waarshadaha, iyo Kithure Kindiki oo noqonaya wasiirka arrimaha gudaha.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale magacaabay Musalia Mudavadi oo ka mid ah hoggaamiyayaasha axsaabta isbahaysiga la lahaa madaxweynaha inuu noqdo Xoghayaha Koowaad ee Golaha Wasiirrada.

Mr Mudavadi ayaa noqonaya sarkaalka ugu sarreeya xukuumadda kadib madaxweyne William Ruto iyo madaxweyne ku-xigeenka Rigathi Gachagua. 

Xubnaha kale ee dowladda ayaa waxaa ku jira wasiirka warfaafinta oo loo magacaabay Eliud Owalo, Ezekiel Machogu oo loo magacaabay wasiirka waxbarashada, wasiirka beeraha iyo xoolaha oo laga dhigay Mithika Linturi iyo Davis Chirchir oo noqonaya wasiirka tamarta.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaan ku jirin qof kale oo Soomaali ah marka laga reebo Aadan Ducaale, mana caddaa xubno kale ay dhiman yihiin, ama wasiir ku-xigeenada lagu soo dari doono.