B/Weyne: Askarta Jabuuti oo dad dilay

Beledweyne (Caasimada Online)-War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne ay dad ku dileen magaaladaas.

Wariye ku sugan Beledweyne oo gaaray goobta ayaa u sheegay in Caasimada Online in ciidamada AMISOM ee Jabuuti ay dad ku dileen magaalada.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay in ka badan 3 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii askari ka tirsan ciidanka Jabuuti oo la socday kolanyada ciidamada AMISOM uu rasaas furay.

Sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha askariga rasaasta waa ay ka fakatay, kaddibna waxaa gacanta ku dhigay ciidamo kale.

Ciidamada Jabuuti ayaa ku sugnaa goob shidaal laga qaato askarigana waxaa al sheegay in uu la socday ciidamada Hiil Walaal.

Waxaa goobta gaaray ciidamada dowladda in kastoo ciidamada AMISOM ee Jabuuti ay meesha ka tageen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com