Madaxweynaha oo la kulmay mucaarad xooggan, isagoo dhaafi la’ garoonka

Baydhabo(Caasimada Online)- War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in weli madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud aaney ilaa hadda la kulmin dhinacyada isku haya magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ilaa hadda ku sugan garoonka diyaaradaha Baydhabo,waxaana la sheegayaa in xaalada magaalad aay kacsan tahay.

Maxaa keenay in madaxweynaha ilaa hadda uusan la kulmin labada maamul ee ka dhisan Baydhabo?

Su’aashaas oo aan weydiinay Wariyaha noo jooga Baydhabo, wuxuu ku jawaabay in madaxweynaha lagu xiray Shuruud ah in uu yimaado xarunta ADC-da oo ku sugan maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha u yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Madaxweynaha ayaa rabay in uu tago hotelka Bakiin, balse arrintaas waxaa ka hor yimid maamulka lixda gobal waxaana la sheegayaa in laga cabsi qabo in madaxweynaha la weerarro, arrintaas waxa ay keentay in madaxweynaha uu ka soo gudbi waayo xarunta AMISOM oo ku dhex taalla garoonka.

Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaray ayaa sheegaya in madaxweynaha uu diraayo labo wasiir oo ka soo jeeda beelaha deggan Baydhabo kuwaasoo kala ah Yuusuf Amiin iyo Aadan Saransoor, labadan wasiir ayaa la sheegay in ay la kulmi doonaan labada dhinac oo ay ugu tagi doonaan ADC-da iyo Hotel Bakiin oo ay ku kala sugan yihiin labada dhinac.

Markaas kaddib wax yaabaha ay kala soo hadlaan wasiiradan mas’uuliyada labadaas dhinac iyo wax yaabaha ka soo baxa ayaa loo gudbin doonaa madaxweynaha oo aan soo dhaafi doonin garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Xaalada magaalada ayaa weli kacsan oo meelah qaar dibadbaxyo ayaa ka socda waxaa kaloo xiran goobaha ganacsiga magaalada.

Faah-Faahin wararkan nagala soco Caasimada Online in shaa allah