Sirdoonka Mareykanka oo dhageysta taleefonka madaxweyne Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay cirka isku sii sharaeerayso Fadeexadda lagu muujinayo inay Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka (NSA) dhegeystaan Telefoonadda khaaska ee Hoggaamiyayaal ka tirsan Qaaradda Europe iyo Latin America ayaa waxaa haatan la kashifay inay Sirdoonka Hay’adaasi la socoto, isla markaana dhegeysato Telefoonadda Madax kale.

Wargeyska ka soo baxa dalka Jarmalka ee Der Spiegel cadadkiisa shalay ayaa waxa lagu soo daabacay inay Hay’adda NSA-da Maraykanka xafiday in ka badan 300 warbixin dhegeysi ah oo ku kaydsan Xogta Kaydka ee Khaaska ee Telefoonka haweenetyda Ra’isul-wasaaraha ka ah dalka Jarmalka, Angela Merkel.

Xog-kaydiyaha Khaaska (a special databank) ee Hay’adda NSA ee Angel Merkel farriimaheeda lagu duubay ayaa waxaa ku laran tiro Hoggaamiyayaal Qaran oo shisheeye.

Wargeyska Der Spegel waxa uu cadadkiisa shalay lagu soo bandhigay Dukumentiyo uu soo ururiyey Qandaraaslaha Maraykanka ee baxsadka ah, Edward Snowden, oo mar la shaqeyn jirey Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka ee NSA.

Xog-kaydiyaha Telefoonadda ee ay Hay’adda NSA ka ururisay qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Caalamka ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Md. Xasan Sheekh Maxamuud safka hore kaga jiro.

Hoggaamiyayaasha kale ee Warbixinta Wargeyska Jarmalka shalay lagu soo daabacay waxaa kaloo lagu xusay Madaxweynayaasha dalalka Peru, Belarus, Guatemala iyo Colombia.

Bilowgii bishan, Mudanayaasha dalka Jarmalka ayaa isku raacay in la bilaabo baaritaan lagu ogaanayo Hawlaha Sirdoonka ee Hay’adda NSA iyo Hay’addo kale oo shisheeye oo ka shaqeeya dhinaca Sirdoonka.

Mudanayaasha Barlamaanka Jarmalka, waxay si gaar ah u codsadeen in dabagal lagu sameeyo codadkii haweeneyda Ra’isul-wasaaraha ka ah Jarmalka, Angel Merkel laga duubay Telefoon-gacmeedkeeda (cellphone), kaasi oo sannadkii hore la shaaciyey.

Dacwad-oogayaasha Federalka Jarmalka, waxay kaloo ka baaraan-degayaan haddii ay baaritaan u khaas ah ka furayaan Dhaqdhaqaaqyadda Xog-dhegeysiga ee Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka (NSA) ka wado Jarmalka iyo guud ahaan Caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo la shaaciyo inay Hay’adda NSA-da Maraykanka dhegeysteen ama dabagal ku sameeyeen xogta ku kaydsan Telefoon-gacmeedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana suurtogal inay Hay’adaha Sirdoonka qaar ka mid ah dalalka Caalamka dhegeysteen Telefoonadda Madax haatan talisa iyo kuwo horey Madax uga ahaan jirey dalkeenna.

Xigasho: Der Spegel iyo Wakaalladda Wararka ee AP