C/WELI oo looga yeeray Baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed uu horyimaado baarlamaanka, waxaan la sheegay inuu ka hor akhrin doonno qorsha ay xukuumaddu ku shaqeyn doonto sannadka ina soo aadan.

Kalfadhi ay maanta yeeshen baarlamaanka Soomaaliya, ayaa lugu go’aamiyey in xarunta golaha shacabka lakeeno si loo dhageysto howlaha u dagsan xukuumaddu inay qabato sannada soo scda iyo waxa u qorsheysan.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa fadhiga baarlamaanka hadal uu ka jeediyey waxuu dalab u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoona ka codsadey inuu baarlamaanka horyimaado sidii uu sharraxad uga biyo waxqabadka xukuumaddisa.

Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka,waxuu ugu baaqay xildhibaanada inay soo xaadiraan kulankan si ay wax uga weydiiyaan raysul waasaraha qorsha u dagsan xukuumaddisa inay qabato sannadka 2015.

Ra’iisul wasaare C/wali ayaa sharciyan looga fadhiya inuu berri hortago baarlamaanka,isagoona u faah-faahinaya howlaha ay doonayso inay xukuumaddiisu qabato sannadaha soo socda.

C/wali Sheekh Axmed,waxuu horay u sheegay inuu aqbalayo inuu hor-tago baarlamaanka si uu ugu sharraxo howlaha xukuumaddiisa horyaalla dhowrka sano ee soo socda.

Dhinaca kale xildhibaannada baarlamaanka kulankooda maanta doodo ay ka dhibteen waxaa ay ku sheegen in kulamadooda ay uga doodan dib u habeynta dastuurka dalka oo qabyo ah iyo in wax laga qabto dhibaatooyinka haysta shacabka Soomaaliyeed.

Baarlamaanka waxuu u si bilwo ah ugu jira kalfadhigoodi afaraad oo dhawaan u foray madaxweynaha,waxaana ay ballan-qaaden inay waxbadan qaban doonan.

Isha: RBC Radio