Ciidamo ka wadatirsan DF oo is laayey

Afgooye (Caasimada Online) – Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhimmatay tiro intaas kabadana waa ay ku dhaawacmeen is-rasaaseen dhex martay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo ka dhacay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose uu socday muddo saacad ah.

Dadka deeganka ayaa sheegay in ay arkeen meydadka askarta dagaallantay iyo dad rayid ah oo ay haleeshay xabada.

Dagaalka ayaa ka dhacay waddada xiriirsa Afgooye iyo Muqdisho, waxaana weli caawa fiidkii la maqlayay rasaas xooggan.

Labada dhinac ee islaayay ayaa is-hor fadhiya mana la xaqiijin karo waxa xigga, maadama xilliga uu habeen yahay.

Ma jirto cid ila ahadda ka dashay iska hor imaadka ciidamada dowladda ku dhexmaray degmada Afgooye, balse waxaa sheegis mudan ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan dowladda ay israsaaseen ku dhexmarto deeganno ku yaalla gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com