Xog aan ka helnay sababta Jawaari uu socdaal degdega ugu tagay Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa caawa ka socda kulamo aan caaddi ahayn, waxaana kulamadaas ku biiray afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo isna galabtay tagay magaladaas.

Jawaari muxuu ka doonay Baydhabo?

Afhayeenka baarlamaanka waxaa uu taageersan yahay maamulka lixda gobal, waxaana loogu yeeray Baydhabo in uu bal la hadlo garabka Madoobe Nuunow oo ku adkeesanaya maamul lix gobal iyo madaxweynaha haddii uu rabo in ay la kulmaan iyaga in uu ugu yimaado xarunta ADC-da ee Baydhabo oo xaruntooda guud.

Jawaari markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxaa si toos ah loo geeyay gurri uu lee yahay Ibraahim Yarow oo xildhibaan iyo wasiir soo noqday.

Wafdiga madaxweynaha waxa ay iyana ku sugan garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxaana caawa magaaalda ka socda kulamo albaabada u xiran oo arrimo badan lagu gorfeenaayo.

Ilo xog ogaal ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in Jawaari loo yeeray markii wafdiga la socday madaxweynaha oo ka koobnaa wasiiro iyo xildhibaanno kuwaasoo la kala saftay labada maamul ee ka dhisan Baydhabo.

Dhinaca kale, sarkaal ka tirsan mid ka mid ah maaulada ka dhisan Baydhabo ayaa tilmaamay in uu jiray khilaaf soo kala dhex galay wasiirka arrimaha gudaha Cabdulaahi Goodax Barre iyo ku-xigeenkiisa Maxamuud Macalnin Yaxye, waxaana la isku qabtay sidda loo qaabilaayo labada maamul.

Ma cadda sidda ay wax noqon doonaan, waxaana la lee yahay xaalada magaalada weli caawa waa ay kacsan tahay, oo dad ayaa meelaha qaar lagu arkayaa kuwaasoo maqlay in wafdiga madaxweynaha ay rabaan in ay habeenimo magaaalda soo galaan si ay ula kulmaan labada maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caaasimada@live.com