Markabkii Cusmaan Geedi Raage oo halis ku jirra iyo warbixin ku saabsan

Sanca (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay burburtay dowladii millitariga Soomaaliya ayaa waxaa kaloo burburay hantidii lahayd Soomaaliya oo qaar badan ay ku dayacan yihiin qaybo kamid ah caalamka.

Haddaba hantidadaas waxaa kamid ah Maraakiibtii ay lahayd Soomaaliya ee ku dayacan dalka Yemen.

Xuseen Xaaji Axmed ku-xigeenka qunsulka Soomaaliya ee Cadan ayaa VOA-da u sheegay in mid ka mid ah maraakiibtaas uu hadda qarkan u saaran yahay in uu quuso kaddib markii biyo badan uu ku soo fatahay.

Markabka halista ku jirra ayaa ah Markabka Cumaan Geedi Raage, waa markabka ugu weyn uguna ballaaran ee Soomaaliya lee dahay.

Dhawaan ayaa maxkamad ku taalla Cadan waxa ay maraakiibta Soomaaliya u xukuntay ganacsade reer Yemen ah kaasoo sheegay in uu lacago badan ku lee yahay shirkaddii kalluumeesiga ee Shifko.

HANTIDII-QARANKA-SOOMAALIYA

Si cad ah looma oga in lacagtaas uu sheegay ay sax tahay iyo in kale, tiiyoo ay dheertay in weli maraakiibta ay ku dayacan yihiin dalka Yemen oo qaar ayaaba biyuhu soo galeen sidda uu lee yahay Xuseen Xaaji Axmed.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin dhibaatadan laga soo wariyay hantidii Soomaaliya lahayd ee ku dayacan dalka Yemen, iska daa in ay soo celiso xittaa kama warqabto hantida Soomaaliya uga dayacan caalamka oo itaalkeeda ayaan gaarsiisneen xilligan in ay arrimahaas u jiheesato.

Si kastaba Xuseen Xaaji Axmed ayaa ku baaqay in la badbaadiyo hantidaas Soomaaliya ay lee dahay ee ku dayacan dalka Yemen, isagoona intaas ku daray haddii aan waxbo laga qaban in ay dhib badnaanto sidda loo heli karo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Caassimada@live.com