DR. MACOW “Takhtar buuxa oo Gen Medicine ayaan ahay ee ma ahi nin…”

Hargeysa (Caasimada Online)- Dakhtar Cali Macow Aweys, oo ka mid ah takhaatiirta Soomaaliyeed ee caanka ah isla markaana labo xaun caafimaad ku leh magaalada London, ayaa ka hadlay, go’aan ka soo baxay maamulka Somaliland kaasoo ah in uusan takhasug ku heesan xirfada uu sheeganaayo, isla markaana uusan ka shaqeen karin Hargeysa.

Dr.Macow oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Hargeysa ayaa marka horre sheegay in uusan garaneynin wax yaabaha ilaa hadda lagu heesto isla markaana lagu hor-istaagay baaritaan caafimaad oo uu ka sameen lahaa magaalada Hargeysa.

Wuxuu ku ceceliyay in uu ku yimid Hargeysa warqad oggolaansho ah oo ay siiyay wasaaradda caafimaadka mamaulka Somaliland.

Dr. Cali Macow wuxuu kaloo sheegay in cid ka hadli karta xirfadiisa iyo aqoontiisa aaney jirin, eedeenta loo soo jeediyay ee ah in uusan xirfad u lahayn daweynta haweenka ay tahay mid been abuur ah oo laga lee yahay dano kale sidda uu yiri.

“Aad ayaan uga xumahay in howsheeda la hor istaago, teeda kale xirfadeeda cid wax ka sheegi karta ma lahan, 27-kii bishan ayaa xaruntii aan joogay waxaa yimid ciidamo boolis ah kuwaasoo dhahay waa la xirayaa,ma aqaano sidda ay wax u dhaceen, laakin anniga takhasus ayaan u lee yahay Gen Medicine, oo 25-sanno ayaan ka soo shaqeeyay Jermalka in la iidiido annigoo Soomaali ah Hargeysa ma aqaano” ayuu yiri Dr. Macow.

Dr Macow wuxuu hoosta ka xariiqay in uu ilaa hadda garan la’yahay in loo diiddo in uu ka shaqeeyo Hargeysa isagoo Soomaali ah, halka loo oggolaaday dalka Jermalka in uu ka shaqeeyo 25-sanno iyo Ingiriiska oo uu ku lee yahay ilaa labo xarumood oo caan ah.

Si kastaba, aad ayaa looga hadal hayaa xarigga Dr. Macow guud ahaan deegannada Soomaalida ay degtay gaar ahaan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com