Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhaba + Xogta iyo xaalka Madaxweyne Xasan

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa maalintii labaad ku sugan madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka, kuwaasoo ku howlan qaboojinta xiisad siyaasadeed iyo rabshado ka socda magaaladaas.

Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xaley kulamo gargaar ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshadda sidda siyaasiyiinta iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay dadka uu la kulmay siddii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan magaalada Baydhabo.

Sidoo kale.madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ilaa hadda lama kulmin dhinacyada isku haya magaalada Baydhabo ee kala wata maamulada lixda gobal iyo seddaxda gobal.

Madaxweynaha siddoo kale waxa uu la kulmay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxaana uu ugu hambalyeeyay goobaha laga xorreeyay Al-Sahaab sidda Xuddur iyo deeganno kale oo ku yaalla gobalka Bakool.

Maanta ayaa la filaaya in madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay la kulmaan dhinacyada isaga soo horjeeda Baydhabo, waxaana ay kala hadli doonaan siddii ay miiska wadahadallada isugu imaan lahaayeen.

Siddaas oo ay tahay haddana hoggaamiyaasha maamulka lixda gobal ayaa weli arrintaas diiddan waxaana ay ku tilmaameen maamulka seddaxda gobal mid aan sharci ahayn.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta lagu arkayaa ciidamo fara badan oo ah kuwa AMISO.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com