Xog: Kooxda Barre Hiiraale oo 3 garab u kala jabtay (Maxaa la isku hayaa?)

Kismaayo (Caasimada Online) – Xubin firfircoon oo ka mid ah taageerayaasha kooxda Kornayl Barre Hiiraale ayaa xaqiijiyey inuu jiro khilaaf soo kala dhex galay saraakiisha ciidanka ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Khilaafka ayaa waxauu salka ku hayaa maareynta taageero maaliyadeed oo dhowaan la gaarsiiyay ciidanka.

Dhaqaalaha ayaa waxaa iska soo ururiyay ganacsato iyo xildhibaanno ku hayb ah ciidanka ku sugan dibadda magaalada, kaas oo looga gol-lahaa dhiirri-gelinta ciidanka iyo fududeynta howlgalladooda.

Khilaafka ayaa la sheegay inuu sababay inay ciidanka u qeybsamaan saddex garab, iyagoo la kala saftay saraakiisha kala ah Kornayl Barre Hiiraale, Cabdullaahi Shimbir iyo Cabdi Cigaal.

Kornayl Barre Hiiraale oo wata ciidanka ugu tirada yar ayaa ku sugan deegaanka Goobweyn oo qiyaas ahaan 20 km dhinaca waqooyi kaga beegan Kismaayo. Ciidanka Barre ayaa deggan dhisme dowladdii hore ay ku lahayd deegaanka.

Cabdullaahi Shimbir ayaa asaga iyo ciidankiisa waxay fariisimo ka sameysteen halka loo yaqaanno Jubba oo u dhow meesha ay isaga darsamaan biyaha badda iyo kuwa webiga Jubba.

Qeybta saddexaad waxay hoos tagaan Cabdi Cigaal oo ka mid ahaa saraakiishii isbahaysigii la oran jiray Dooxada Jubba, asaga iyo ciidankiisana waxay ku sugan yihiin halka loo yaqaanno Dalcadda Qaam-qaam.

Ilaa hadda ma jirto cid isu taagtay iso soo dhoweynta iyo dib u heshiisiinta saraakiisha is-khilaafsan.

Way noo suurtagali wayday inaan helno xiriirrada saraakiisha ciidanka gadoodsan ee ku sugan dibadda Kismaayo si ay uga jawaabaan warka ku saabsan khilaafka dhexdooda ah.

Khilaafka ayaa soo if-baxay iyadoo Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo urur goboleedka IGAD ay wadaan qorshe ciidan qaran looga dhigayo maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan dibadda magaalada Kismaayo iyo kuw gudaha ee Raaskambooniyinta.

Qaramada Midoobay ayaa ka billowday magaalada Kismaayo dhismaha xarun weyn oo la doonayo in lagu dhaqan-celiyo maleeshiyaadka gadoodsan si looga dhigo ciidan xirfadleyaal ah, asluub leh oo hoos-taga talis sharci ah oo la garanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com