Hobyo (Caasimada Online) War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in goordhow ay gudaha ugaleen degmada Hobyo ee gobalka Mudug cutubyo ka tirsan ciidamada mariiniska ee dowladda Maraykanka.
Ciidamadan oo watay diyaaradaha qumaatiga u kaca, ayaa waxaa la socda ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana ay hadda dhaqdhaqaaqyo ka wadaan goobaha ay joogaan burcad-badeeda Soomaalida.
Wararkii u dambeeyay waxa ay sheegayaan in isgaarsiinta degmada Hobyo ayaa caawa jaran waxaana loo maleenayaa in ay jareen ciidamada Maraykanka ee ku sugan Hobyo.
Ciidamadan ayaa ka soo kacay Markab dagaal oo ku sugan badweynta Hindiya, waxaana dadka deeganka ay lee yihiin ciidamada waxa ay dadweynaha ku amreen in ay guryahooda aysan ka soo bixin.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Hobyo oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa walaac ka muujiyay ciidamada caawa soo galay degmadooda.
Ma cadda ilaa hadda wax yaabaha ay u tageen ciidamadan degmada Hobyo, maadama xilliga uu yahay habeen.
Hobyo waa meelaha ugu waaweyn ee saldhigyada ay ku lee yihiin kooxaha burcad-badeeda Soomaalida kuwaasoo gacanta ku haya shaqaale iyo maraakiib ganacsi.
Wixii warar ah ku soo kordha kala soco Shabakadda Caasimada Online.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Gaalkacyo