Dab xooggan oo MUQDISHO ka kacay

Muqdisho (Caasimada online) Wararka  naga soo gaaraya degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Seybiyaano ayaa waxa ay sheegayaan in goob lagu keydiyo Shidaalka uu ka kacay damboogan , oo sababay khsaaro kala duwan .

Wararku waxay sheegayaan in dabka uu saameyn xoogan u geystay goobo ka baxsan halka uu ka kacay waxaana wararku ay sheegayaan inuu ku fiday guryo ka agdhawaa halka uu dambaas ka kacay.

Dabka oo ka kacay markiisii hore xarun lagu keydiyo Shidaalka ayaa ku fiday goobo uu kamid yahay Suuqa Caanaha lagu iibin jiray ee degmada Hodan iyo sidoo kale halkii lagu iibinjiray Qaadka .

Wararka ay heleyso Shabakadda Caasimada online ayaa waxay sheegayaan in dabka uu ahaa mid aad u xoogan , kaas oo sababay khasaaro hantiyadeed iyo min nafeed intaba inkastoo warar kala duwan ay kasoo baxay saameynta dabkaas.

Inkastoo aan si dhab ah lo xaqiijin hadana wariye ku sugan goobta dabka uu ka kacay ayaa soo sheegaya in dabka uu Burburiyay goobo ganacsi oo aad u badan oo ay qeyb ka tahay Maqaaxi ka agdhaweyd Keydka shidaal ee maanta uu dabka ka kacay.

Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo waliba gaadiidka dab damiska ayaa durba goobta soo gaaray waxaan soconaya gurmad lagu soo daabulayo dadkii dabkaasi uu saameynta ku yeeshay isla-markana ay waxyeelada kasoo gaartay iyo waliba dadaal lagu damibayo dabkaas.

Halkaan hoose ka dhageyso codka dabka

Halkaan ka dhageyso Waraysi Saafi Cabdi Casiis

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com