Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in dab xooggan uu ka kacay goob shidaal oo ku taalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Wariye ku sugan KM4, ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in dab xooggan uu ka kacay kaalin shidaal, wuxuuna sheegay in uu ku faafay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaas.
“Waxaa la arkayaa qiic hawada isku shareeray, fuustooyin shidaal ay ka buuxaan oo qarxaya, iyo dab xooggga” ayuu yiri wariyaha noo warramay.
Goobta dabka uu ka kacay waxaa soo gaaray gaadidka gurmadka iyo kuwa dab dabdamiska kuwaasoo la taacalaya daminta dabka.
Ilaa hadda si dhab ah looma khasaaraha ka dhashay dabka goordhow ka kacay goobta shidaalka ee ka agdhow nawaaxigga KM4.
Waxaa goobta isku gadaamay ciidamada booliska, kuwaasoo u diiddaya dadka in ay goobta tagaan.
Wixii ku soo kordha warkan kala soco Caasimada Online, oo isha nagu hay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho