FAAH-FAAHIN: Dab weli ka socda MUQDISHO iyo khasaaro uu geestay

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa weli socda dab xooggan oo ka kacay goob shidaal oo ku taalla isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa baabi’iyay goobo ganacsi, waxaana lagu soo warramayaa in ay jiraan dad ku dhaawacmay sida uu sheegayo wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho.

Dabka ayaa ilaa hadda socda, waxaana la arkayaa qiic iyo uuro madow oo cirka isku shareertay,oo ka socda halka uu ka socdo.

Gaadidka gurmadka ee gobalka Banaadir, shirkadda Hormuud iyo gaadid ay lee yihiin Turkiga ayaa ka qayb qaadanaya daminta dabka oo in ka badan hal saac iyo ber socda.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in goobta ay hadda gaareen wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo taliyaha ciidanka booliska Cabdikariin Daahir Siyaad Saacid, kuwaasoo halkaas u tagay bal in ay soo qiimeeyaan khasaaraha uu geestay dabka.

Lama oga waxa dabka sababay, waxaana la socda isku day lagu doonayo in lagu damiyo dabka oo ay wadaan dab-damiyayaasha maamulka gobolka Banaadir,iyo kuwa ay lee yihiin shirkadaha gaarka loo lee yahay iyagoo isticmaalaya baabuurta dab-damiska.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dab noocan oo kale uu ka kaco goob shidaal, waxaana labo ka hor dab sidan oo kale uu ka kacay goob shidaal oo ku taalla Isgoyska Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live,com