27.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 15, 2026

DEG DEG AH: Diyaarado gargaar sida oo ka degay Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) War hadda soo dhacay, wuxuu sheegayaa in goordhow ay ka dageen magaalada Garoowe labo diyaarad oo ah nooca ciidamada kuwaasoo sida gargaar kana dalka Ethiopia iyo Djibouti.

Wariyaah Shabakadda Caasimada Online ee Puntland ayaa soo sheegaya in labada diyaarad ay ku sugan yihiin garoonka isla markaana laga dajinaayo gargaarka ay wadaan.

Gargaarka oo gaaraya 23 tan oo isugu jira daawo, dhar iyo cunto ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay waxyeellaysay duufaanta ku dhufatay deegaannada Puntland.

Waa gargaarkii ugu horeeyay oo Puntland ka soo gaara waddamada dariska tan iyo markii ay qaylo dhaan u jeedisay si loogu soo gurmado dadka ay meerteen dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ku dhuftay gobalada Barri ee dalka Soomaaliya.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dabeylaha iyo roobabka xooggan ee ka da’aya welli deegannada Puntland, dad kor u dhaafaya 300 ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen, waxaa kaloo ku dhintay xoolo badan sidoo kale waxaa ku baaba’ay hanti fara badan.

Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Puntlabd, Cabdulaahi Jaamac Ilko Jiir oo saxaafadda la hadlay markii diyaaradaha ay soo degeen ayaa sheegay in ay Puntland uga mahadcelineyo dowladda Ethiopia iyo Jabuuti in ay noqdaan waddamadii ugu horeeyay ee gurmad la soo gaaro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News