Muqdisho (Caasimada online) Xildhibaan Cismaan Daalo, oo ka mid ah Mudanayaash baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay khilaafka madaxda ugu sareysa dalka, waxaana uu ku tilmaamay mid ka gudbay in xal iyo waan waan lagu dhameeyo .
Wuxuu sheegay in xalka uu ku wanaagsanaa ka hor inta aysan arintan soo shaacbixin , waxaana uu aamin san yahay in xitaa hadii iminka laxaliyo aysan jiri doonin wada shaqeyn wanaagsan oo dhex marta madaxda sare ee dalka.
“ Wali ma dhicin sida aan taariikhda ku heyno madaxweyne iyo ra’isul wasaare is qabtay Somalia gudaheeda hadana khilaafkooda xal ka garay si wanaagana u wada shaqeyeeyay .
Wuxuu sheegay in is faham wanaagsan iyo wada shaqeyn ay jiri karto inta loo wada shaqeynayo qaab saaxiibtinimo ah balse wuxuu shaaca ka qaaday in mar hadii khilaaf uu yimaado ay haboontahay inla xaliyo ka hor inta aysan talo faraha ka bixin.
Mudayaasha barlamaanka Somalia ayaa ku kala qeybsan khilaafka madaxda sare ee dalka iyadoona gudoomiyaha baarlamaanka Somalia uu mudanayaasha baarlaaanka uu uga digay inay la kala saftaan madaxda sare ee dalka .
Halkaan Hoose ka dhageyso Xildhibaan Cismaan Daalo
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

