DEG DEG: Mas’uul sare oo ka tirsanaa DF oo ku dhintay qarax ka dhacay…

Baydhabo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax miino oo ka dhacay deeganka Goofgaduud oo ka tirsan gobalka Baay ay ku dhinteen toddobo qof oo uu ku jirro guddoomiye ku xigeenka deegankaas.

Wariyaal Baydhabo ku sugan oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa kuwa meelaha fogfog laga hago uu ku dhintay guddoomiye ku xigeenka deeganka Goof-gaduud, waxaa ku dhaawacmay oo kale dad kale oo badan.

Waxaa goobta qaraxa uu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Ethiopia, waxaana ay billaabeen baaritaan balse wax faah-faahin ah lama hayo.

Faah-faahinta kala soco Caasimada Online