Dad badan oo Kismaayo ugu dhintay….

Kismaayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegay halkaas galabta ay ku soo duntay kaawo dhagxaanta laga qodo.

Inta la ogyahay shan qof ayaa ku dhimmatay kaawada soo duntay, waxaa kaloo jiray baabuur ay wateen oo ah nooca carqada oo ku burburay goobta sida ay lee yihiin goobjoogayaal la hadlay Caasimada Online.

Waxaa goobtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Juba kuwaasoo dedaal ballaaran ugalay in la soo badbaadiyo dadka ku hoos jiray kaawada soo duntay balse ma jirin dad la soo helay iyagoo nool, waxaana la soo bixiyay hal qof oo ka mid ah dadkii ku dhintay goobta.

Dhacdooynka noocan oo kale waa ku soo laabtay dalka Soomaaliya labo bil ka hor ayaa magaalada Muqdisho kaawo ku taalla degmada Kaaran oo soo duntay waxaa ku dhintay 15-qof oo ahaa dadka dhagxaanta ka shaqeesta.

Ma jirto wax yaabo ay uga badbaadaan dadka dhagaxda ka xamaasha oo la siiyo, waxaana markasta dhacday khasaaro nafeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com