Dhagayso: Beesha Absame oo maanta ka shirtay aayaha C/llaahi CIILMOOGE dalabna u dirtay R/W Cabdi Weli Sh

Muqdisho (Caasimada Online) Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Waxgarad iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Absame ama Ogaadeen oo uu ka dhashay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadii hore ee Soomaaliya Mudane Abdullahi Ciilmooge Xirsi ayay uga dalbadeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdiweli Sheekh Axmed inuu kusoo daro liiska golaha cusub ee Xukuumadda uu soo dhisi doono.

Nabadoon C/qaadir Maxamed Ibrahim oo kamid ah Waxgaradkii kulanka yeeshay ayaa xusay in Wasiir Ciilmooge mudadii uu Xafiiska joogay inuu wax badan ka qabtay wasaaradiisa isagoo tilmaamay Ciilmooge inuu ahaa Wasiirka kaliya ee kasoo baxay shaqadiisa.

“Si-aan qabyaalada iyo waxyaabaha xun xun uga baxno ninkii wax wanaagsan qabta waa in la taageero Wasiirkaasi wixii uu qabtay ayaan qiimaynay Ciilmooge wuxuu Hormuud u ahaa waxqabadkii ay samaysay Xukuumadii hore, Ra’iisul Wasaarha cusub waxaan leenahay Wasiirada kusoo dar, waliba ku abaal mari Ra’iisul Wasaare ku xigeen” ayuu yir Nabadoonka.

Sidoo kale mid kamid ah Ururada Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Cabdiweli inuu soo magacaabo Wasiiro tayo leh oo ka dhex Muuqdo Wasiir Ciilmooge.

Halkan hoose ka dhageyso codka Nabaddoonka iyo kan Ururada

Wareysi-Cabdulqaadir-Maxamed-Ibraahim-

Isha: K24