Muqdisho oo $100,000 ugu deeqday dhibaatadii gaartay reer Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) Maamulka gobolka Banaadir ayaa 100,000 oo dollarka Maraykanka ayaa ugu deeqay dadka ku wax yeeloobay fatahaadda Wabiga Shabeelle oo tuulooyin hoos-taga Jowhar baabi’iyay.

Guddoomiyaha degmada Waabari Axmed Mayre Maka oo ka mid ah mas’uuliyiinta lacagta gaarsiiyay Jowhar ayaa sheegay laga soo ururiyay dadka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in maamulka gobalka Banaadir oo kaa shaanaya dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay ka go’antahay siddii ay u caawin lahaayeen walaalahooda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Wuxuu guddoomiyaha degmada Waabari ku celceliyay Soomaaliya meel kasta oo ay joogto in aysan kala maarmin.

Waa lacagtii labaad oo laga uruuriyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee la gaarsiiyo dadka wax ku noqday fatahaada iyo dabeylaha ka dhacay sannadkii horre gobalada Shabeellaha Dhexe, Nugaal iyo Bari.

Bishii horre ayaa maamulka gobalka Banaadir wuxuu maamulka Puntland ku wareejiyay 200,kun oo dollaar Maraykanka kuwaasoo laga aruuriyay dadka Muqdisho.

Caasimaa Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com