Jowhar (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in halkaas uu caawa ka dhacay qarax loo adeegsaday bambo nooca gacanta laga tuuro.
Inta la ogyahay labo qof oo ay ku jirto dumar ayaa ku dhintay qaraxa in ka badan afar kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu weerarray ciidamo qaad ka iibsanayay xaafadda Hanti-wadaag ee degmada Jowhar.
Qaraxa kaddib, waxaa ciidamada ammaanka ay howgallo ka sameeyeen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana magaalada Jowhar lagu soo rogay bandow sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho