Rabshado ka billowday GAROOWE !!!!!

Garoowe (Caasimada Online) Rabshado ayaa ka billowday magaalada Garoowe, kaddib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxweynaha oo uu ku guuleestay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Garoowe xarunta Puntland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in isku dhacyo magaalada ay ku dhexmareen taageerayaasha madaxweynihii horre Faroole iyo madaxweynaha cusub Cabdiweli Gaas.

Isku dhaca oo ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamaanka waxaa durba soo gaaray ciidamada ammaanka Puntland kuwaasoo kala ceyriyay dadka isku dhacda uu dhexmaray.

Waxaa kaloo magaalada laga maqlayaa rasaas xooggan, sidoo kale waxaa la weeraray gurri uu deggan yahay madaxweynaha cusub ee Puntland Gaas, waxaana halkaas lagu dilay askari ilaalo ahaa.

Dhinaca kale,magaalooyinka waaweyn ee Puntland, Gaalkacyo, Qardho iyo Boosaas ayaa waxaa isugu soo baxay dad weyne fara badan oo soo dhaweenaya madaxweynaha Cusub.

Magaalada Garoowe waxaa iminka ka socota doorashada madaxweyne ku xigeenka oo u taagan yihiin 10-musharax, waxaana ilaa hada la marayaa wareega koobaad.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta la dhigay ciidamo fara badan.

Natiijada doorashada madaxweyne ku xigeenka kala soco Caasimada Online.

HALKAAN KA DAAWO:

Mahadsanidiin