DF oo ku faraxday guusha C/Weli Gaas

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uu soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha ee maanta ka dhacday magaalada Garoowe, taasoo uu ku guuleestay ra’iisal wasaarihii horre Somaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Warar qoraal ah oo ka soo kala baxay xafiisyada madaxweynaah iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay doorashada qaabka ay u dhacday waxaana ay u hambalyeeyeen madaxweynaha cusub ee loo doortay madaxxweynaha ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan hambalyo qaas ah u dirayaa Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas, oo aan wadashaqeyn dhow yeelan doono, iyadoo Dowladda Federaalka ay dar-dargelineyso dhaqangelinta Federaalka Somalia. Puntland waxey tusaale fiican u tahay dalka intiisa kale.”

“Waxaana u mahadcelinayaa dhammaan musharaxiintii iyo sidii nabadda aheyd ee ay u loolantameen. Puntland waxey tustay dalka intiisa kale iyo caalamkaba in dhaqanka dimoqraadiyadda uu ka jiro Soomaaliya, waana in arrintan ay nagu hagtaa sidii aan dalka dib ugu dhisi laheyn.”

Madaxweynahu waxuu ammaanay Baarlamaanka Puntland sidii mas’uuliyadda laheyd oo ay u maareeyeen doorashooyinka.

“Xildhibaanadii matalayey shacabka Puntland waa codeeyeen oo ay soo afjareen olalahii doorashooyinka oo maalmahan la hadal hayey. Sidoo kale waxaan ammaanayaa oo aan u mahadcelinayaa Madax Dhaqameedka, Guddiga Doorashooyinka iyo hay’adaha amniga oo sugay amniga iyo nabadda xilligii doorashooyinka, kaasoo doorashooyinka ka dhigay kuwo guuleysta.”

Xiriirka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ma fiicneen waayihii dambe, waxaana dhowr jeer maamulkii horre uu eedeeyay dowladda dhexe, taasoo keentay in xiriirkooda uu xumaado.

Si kastaba doorashada maanta ka dhacday Puntland ayaa la sheegay in ay dib u dhigtay magacaabista xubnaha cuusb ee wasiiradda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com