Waa kuma m/weyne ku-xigeenka P/L?

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa goordhow la soo gagabeeyay wareega seddaxaad ee codbixinta doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay isugu soo hareen labo musharrax oo kala ah Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo Cabdulaahi Xirsi Timacadde.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Puntland uu helay 48 cod halka ninka kale ee u tartamayay uu helayu 16-cod, isagoona intaas ku daray in la soo gabagabeeyay doorashada madaxweynaha iyo ku xigenkiisa.

Doorashada maanta ka dhacday Puntland oo tii afaraad tan iyo markii la sameeyay maamulkaas sannadkii 1998-dii ayaa lagu tilmaamay mid aad u adag una xasaasi ahayd markii loo eego kuwii kale.

Doorashada madaxweynaha waxaa kal sii horeesay ku guuleestay ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali oo helay 33-cod kaasoo kaga guuleestay madaxweynihii horre Faroole oo isna helay 32-cod.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay waxaana la hakiyay baabuurta magaalada isticmaala.

Dhinaca kale, didbadbaxyo iska soo horjeeda ayaa ka dhacay magaalada Garoowe waxaana wariyaasheena ay soo sheegayaan hal qof in uu ku dhintay qof kalena uu ku dhaawacmay .

Waxaa dibadbayo lagu soo dhaweenaayo  madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso iyo Qardho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com