S/Land & Khaatumo oo soo dhaweeyay natiijada kasoo baxday doorashada P/L

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulada Soomaaliland iyo Khaatumo ayaa si yaabo kala duwan uga hadlay doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo maanta ka dhacday magaalada Garoowe.

Ugu horreyn wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ka hor inta uusan ka ambabixin magaalada Hargeysa isagoo ku sii jeeday dalka Turkiga, ayuu sheegay in ay soo dhaweenayaan doorashada madaxweynaha ee maanta ka dhacday Garoowe.

Wuxuu xusay in Somaliland ay la shaqeeneyso madaxweynaha cusub Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Dhinaca kale, Afhayeenka maamulka Khaatumo, Maxamuud Maxamuud Gaax-Nuug ayaa BBC-da u sheegay  in ay soo dhaweeynayaan doorashada madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in ay xiriir fiican ka filayaan hoggaamiyaha cusub iyo ku xigeenkiisa.

Gaax-Nuug ayaa tilmaamay in Cabdiweli Gaas uu yahay aqoon yahan wax badan ka qaban kara arrimaha Puntland.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo uu si fiican u yaqaano isla markaana

Si kastaba, labadan maamul ayaa horrey khilaaf uu kala dhexeeyay maamulkii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole.

Ma cadda sida uu noqon doono xiriirka Somaliland, Khaatumo iyo Puntland oo hadda doortay hoggaamiyaal cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com