Gaas iyo Camey oo xilka loo dhaariyay

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa goordhow xarunta baarlamaanka Puntland ee Garoowe lagu dhaariyay madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) kuwaasoo maanta oo Arbaca ah ay doorteen 66-da xildhibaan ee uu ka kooban yahay baarlaaanka Puntland.

Waxaa dhaariyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland, waxaana ay sheegeen labadooda in ay si fiican ula shaqeen doonaan madaxweynihii horre.

Si kastaba, doorashadda maanta ka dhacday magaalada Garoowe oo ay goobjoog ka ahaayeen wafuud ka socotay QM, IGAD, Midowga Yurub,Midowga Afrika, iyo Soomaali ka kala yimid gobalada dalka iyo waddamada qurbaha, sidoo kale waxaa si xor ah howlahooda loogu oggolaaday warbaahinta oo si toos ah uga soo warramaya goobta doorashadda ka socotay.

Muddo saacad laga joogo ayaa laga soo kala dareeray goobta doorashada ay ka socotay oo ah meel duleedka magaalada ku taalla.

Xaaladda magaalada Garoowe ayaa galabta deggan kaddib markii maanta duhurkii ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen dad banaan baxayay.

Hal qof ayaa ku dhintay qof kalena waa uu ku dhaawacmay sidda ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay si rasmi ah ugu wareegaan xarunat madaxtooyda ee looga arrimiyo Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com