Dhibaatooyinka madaxweynaha cusub ee Puntland Gaas horyaalla (Faallo)

Nairobi (Caasimada Online) Si lama filaan ah ayaa waxaa ku guuleystey tartankii doorashada madaxtinimada Puntland Cabdiweli Cali Gaas , oo ra’iisalwasaare ka ahaa xukuumaddii KMG ahayd ee Sheekh Shariif.

Inkasta oo tartanku ahaa mid aad u adag oo la isla gaaray wareeggii seddexaad, ayaa haddana dadka aad ula socday arrimaha Puntland qaarkood waxay BBC-da u sheegeen in ayna filayn guusha Cabdiweli, oo ay filayaeen In Faroole mar kale dib loo dooran doono.

Waxay amuurtaasi daliil uga dhigeen sida uu ugu diyaar garoobay doorashada iyo awooddii xukunka oo gacantiisa ku jirtay.

AbdiweliCabdiweli ayaa ra’iisalwasaare ka soo noqday dowladdii Sheekh SharifBalse waxaa jira dad kale oo iyaguna sheegay in ay filayeen in Faroole laga guulaysan doono iyagoo sabab uga dhigay taas sida xamaasadda leh ee reer Puntland u doonayaan isbaddal .

Waxay farta ku fiiqayaan sida ay doorashadu u dhacday oo u muuqatay mid hufan oo aan ku shubasho lahayn, taas oo loo arko in ay tahay horumar ay Puntland gaartay marka labarbar dhigo gobollada koonfurta Soomaaliya oo ayna ilaa hadda ka jirin gobal ay doorasho sidaan oo kale ah ay ka dhacday.

Dhibaatooyinka horyaalla

Khubarao ku sugan Puntland ayaa waxay xusayaan in dhibaatooyinka ugu waaweyn ee horyaala madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiweli ay ugu horreeyaan dhibaatooyinka amni darrada oo muddaba ka jirtay meelo ka mid ah deegaanada Puntland weliba magaalada Boosaaso iyo deegaanada ku xeeran.

Waxaa kaloo looga fadhiyaa Gaas in uu ka shaqeeyo sidii uu u mideyn lahaa dadka reer Puntland oo aad ugu kala qaybsanaa siyaasadda, taas oo la eegi doono xukuumadda uu soo dhiso sida dhinacyada oo dhami ay isaga arkaan.

Gobollada Sool iyo Sanaag oo muran siyaasadeed uu u dhexeeya Somaliland iyo Puntland uu muddaba ka aloosnaa ayaa iyadana laga dhur sugayaa sida uu u xalliyo madaweyne Cabdiweli.

Xasan Sheekh
In kasta oo caqabaddahaasi oo dhami ay yihiin kuwo ka jiro Puntland gudaheeda, haddana waxaa jirta dhibaato weyn oo Cabdiweli xal deg deg ah ka sugeysa, taas oo ah xiriirka Puntland iyo Xukuumadda Fedaralka.

Puntland ayaa dhowr bilood ka hor xiriirka u jartay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Dad badan oo kamid ah shacabka Soomaaliyeed waxay isha ku hayn doonaan sida Cabdiweli uu u xalliyo khilaafka jiro.

Waxaana la sheegayaa in Cabdiweli uu xiriir wanaagsan la leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Isha: BBC Somalia