C/raxmaan Xoosho Jibriil “Gaas wuxuu soo celin doonaa xiriirka P/L iyo DFS”

Garoowe (Caasimada Online) Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya isla markaana soo noqday wasiirka dastuurka dowladdii KMG ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xilka loo doortay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo noqday madaxweynaha cusub ee maamulka Puntand.

Xildhibaanka oo la hadlaayay Idaacadda VOA ayaa shegay in uu soo dhaweenaayo guusha uu helay Gaas, wuxuuna sheegay in uu u qalmo maadama uu yahay nin wax badan u qaban karo reer Puntland.

Wuxuu xusay in Cabdiweli uu isku soo dhaween karo maamulka Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil dhinaca kale, ku amaanay Cabdiweli Gaas in uu ahaa ninkii u horseeday Soomaaliya in ay ka baxdo KMG ah, wuxuuna sheegay oo kale in uu mas’uul ka ahaa shirarkii Roud-Mapka ee ka dhacay Garoowe, Gaalkacyo iyo Muqdisho.

Si kastaba, Cabdiweli Maxamed Cali ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya ayaa ku guuleestay doorashada madaxweynaha maamulka Puntland markii uu helay codadkii ugu badnaa oo ahaa 33-cod.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa waxaa hor yaalla howllo adag oo ay ka mid tahay in uu soo celiyo xiriirka Puntladn iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com