Safaaradda Turkiga ee MUQDISHO oo caawa la weeraray iyo xog sheegeysa..

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in caawa fiidkii bambo gacameed lagu weerarray safaaradda Turkiga ay ku lee dahay Muqdisho.

Ma cadda khasaaraha ay geesatay bambaanada lagu tuuray safaaradda oo aad loo ilaaliyo.

Markii bambaanada lagu tuuray kaddib waxaa nawaaxiga safaaradda laga maqlay rasaas xooggan siddaas waxaa noo sheegay goobjoogayaal.

Ma jirto cid ka hadasha weerarka caawa lagu qaaday safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Waxaa sheegis mudan in ammaanka safaaradda aad loo ilaaliyo wixii ka dambeeyay markii la weerarray sannadkii horre oo xitaa shaqaale Turki lagu dilay dhismo ku dhow safaaradda oo la weerarray.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com