28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Mareykanka oon la dhacsaneen habkii xilka looga qaaday R/Wasaare Saacid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta yimid wafdi ka socda dowladda Maraykanka, waxaana hoggaaminayay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee dhinaca Afrika haweeneyda lagu magacaabo Linda Thomas-Greefield.

Wafdiga ayaa ayaa labo kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Linda Thomas-Greefield ayaa ugu horreyn kulanka ay la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka waxa ay kala hadashay doorka baarlamaanka uu ka qaatay go’aankii xilka loo qaaday raysal wasaarihii horre Cabdi Faarax Saacid.

Kulanka labada mas’uul albaabka ayuu u xirnaa waxaana markii uu soo dhammaaday shir jaraa’id qabtay Linda Thomas-Greefield iyo Jawaari, waxaana ay sheegeen in dhammaan qoddobada ay ka hadleen la isla afgartay.

Intaas kaddib, Linda Thomas-Greefield kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka ee u qaabilsan Afrika waxa ay kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga Maraykanka ayaa madaxweynaha weydiiyay bal in uu uga warbixiyo siddii ay u dhacday go’aankii baarlamaanka uu gaaray, madaxweyna wuxuu sheegay in seddaxdii bilood ee la soo dhaafay ay socdeen howllo la doonayay in lagu horrumarin dowladda sidaas darteedna loo gartay in wax laga badalo hey’adda fullinta sidaas waxaa sheegay afhayeenka madaxweynaha Eng Cabdiraxmaan Yariisow oo la hadlay VOA.

Si kastaba, wafdiga waxa ay Maraykanka kala hadleen raysal wasaaraha cusub iyo sida lagu soo xulay iyo qaabka ay noqon doonto xukuumadda cusub.

Madaxweynaha waxaa la weydiiyay xukunkii dhawaan ku dhacay gabar wariye ahayd oo sheegtay in la kufsaday iyo wariyihii wareystay .

Si kastaba, waxaa muuqata in dowladda Maraykanka ay saluugsan tahay sida loola dhaqmay raysal wasaarihii horre iyo go’aanka ay gaareen baarlamaanka, kuwaasoo didday in uu raysal wasaaraha horyimaado maalintii ay codka kalsoonida kala noqonayeen si uu isku difaaco.

Maraykanka waa dowladii ugu horreysay oo aqoonsata dowladda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana madaxweyne Obama uu Aqalka cad kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan golihii wasiiradii horre.

Wafdiga kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka ee u qaabilsan Afrika, Linda Thomas-Greefield, waxaa la socday danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News