28 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Maamulka A/Madoobe: Ciddii aan na taageersaneen ha ka baxdo Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku amaray in dadka aan taageersaneen maamulkooda ee Kismaayo ku sugan ka baxaan magaalada, haddii kale ay la kulmi doonaan cawaaqib adag sida hadalka loo dhigay.

Taliye ku-xigeenka ciidanka nabadsugida maamulka Jubba  Mursal Maxamed oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ciddii aan taageersaneen maamulka Axmed Madoobe in aysan ku sugnaan karin magaalada Kismaayo.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ammaan darida ka jirta Kismaayo ay mas’uul ka yihiin wax uu ugu yeeray qaswadayaal ka soo horjeeda maamulka KMG ah, isagoona intaas ku daray meesha qaraxa uu ka dhaco haddii ay ku taallo goob ganacsi lala wareegi doono lana xiri doono qofka iska leh.

Waa amarkii ugu cuslaa ee loo jeediyo dadka aan taageersaneen ee Kismaayo ku sugan, walow aan la ogeyn sida loo ayidi doono ama loo aqbali doono.

Amarkan ayaa ku soo aaday iyadoo maalmahan magaalada ay ka dhaceen dilal abaabulan oo loo geestay saraakiil xiriir la leh Maamulka Axmed Madoobe.

Dhawaan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay shir ay qabteen qaar ka mid ah raggii sheegtay madaxweynayaasha Jubbaland kuwaasoo sheegay in ay diiddan yihiin xubno wasiiro ah oo loo magacaabay maamulka KMG ah ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News