DEG DEG: Qaar ka mid ah wadooyinka ugu mihiimsan Muqdisho oo xiran

Muqdisho (Caasimada Online) Sida uu soo sheegayo wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, waxaa saakay xiran qaybo ka mid  wadooyinka magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa sheegaya in wadooyinka xiran ay ka mid tahay KM4 ilaa Zoobe, waxaana halkaas lagu arkay Miino la dhigay, waxaana la joojiyay baabuurta iyo dad weynaha.

Ciidamada ku sugan xarunta dambi baarista ee CID ayaa la sheegay howlgalo ay ka wadaan wadooyinka xiriirisa KM4 ilaa Zoobe.

Qof ku sugan KM4- oo aan la hadalnay ayaa sheegay in uu arkay Baakad ay ku jiraan Batari iyo Mobail, oo la dhigay inta u dhexeeya KM4 ilaa Zoobe.

Waxaa jira warar sheegaya in la qabtay dhowr qof oo loo maleenaayo in ay ka dambeeyeen walaxaha qarxa ee la dhigay waddadaas.

Waxaa sidoo kale xiran goobaha ganacsiga ee ku yaalla Zoobe iyo KM4 ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa xiran isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshid, waxaana xaley degmadaaas lagu soo rogay bandow xaley.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xaley magaalada Muqdisho laga maqlay qaraxyo iyo rasaas xooggan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com