Xog: Ethiopia oo fidineysa gogol 2-aad (DF Somalia iyo maamulka Puntland)

Addis-Ababa (Caasimada Online) – C/raxmaan Faroole oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa Dowladda Ethiopia waxay kala hadashay khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana waxaa loo soo jeediyay inuu kalsoonida uu kala laabtay Dowladda dhexe aysan aheyn mid xiligan haboon.

Warar kasoo baxay kullankii uu Faroole Addis Ababa kula yeeshay Ra´iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa waxay sheegayaan in cadaadis lagu saaray wada hadallo inuu la furo Dowladda Federaalka isla markaana waxaa lagu wargeliyay in xiligan aysan habooneyn khilaaf hor leh in la geliyo rajada Somalia.

C/raxmaan Faroole ayaa Ra´iisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn u gudbiyay cabashooyinka ay ka cabanayaan Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxdeeda oo uu ku eedeeyay iney wax ka badaleen dastuurkii dalka Somalia qodobo ka mid ah, isagoo u sheegay in Puntland aysan wada hadal la galeyn inta laga badalayo qodobada ay ka cabanayaan in wax laga badalay.

Ra´iisul Wasaare Hailemariam Desalegn ayaa u sheegay Faroole in wax walba ay ku imaan karaan wada hadal, loogana baahan yahay Puntland in ay la shaqeyso Dowladda Dhexe oo ay ka tirsan tahay.

Ugu danbeyntii Faroole ayaa ku qancay soo jeedinta Ra´iisul Wasaare Hailemariam Desalegn, waxaana suuragal ah in dalka Ethiopia ay ka furanto gogol kale oo ay ku wada hadli doonaan Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Dowladda Ethiopia ayaa door muhiim ah waxay ku leedahay heshiiskii dhawaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmad Madoobe ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa.

Isha: Warfaafiye.com