AL-SHABAAB oo shaacisay inay dhinteen dhaqaatiirtii dalka CUBA ee u afduubnaa

Jilib (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa goordhow shaacisay inay geeriyoodeen laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba oo muddo sanado ah u afduubnaa kooxda. 

Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay oo lagu baahiyey barta telegram ku sheegtay in dhaqaatiirtaas ay ku geeriyoodeen duqeyn ka dhacday magaalada Jilib. Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Al-Shabaab waxay intaas ku dartay in duqeynta oo dhacday 15-kii Febraayo, abaare 12:10 am ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, kuna dhinteen Assel Herrera iyo Landy Rodriguez. Al-Shabaab ma shaacin haddii dad kale ay ku dhinteen duqeynta.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee (AFRICOM) ayaa 14-kii bishan sheegay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Yaaq Dabeyl ee gobolka Jubada Hoose 9-kii Febraayo, halkaasi oo ay ku dileen laba xubnood.

Ilo-wareedyo ku dhow dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab ay ayaga dileen labada dhaqtar, kadib markii ay sanado badan ka faa’iideyteen oo ay dhaqaatiir u tababareen.

Dhaqaatiirtan ayaa sanadkii 2019 waxay Al-Shabaab kasoo afduubteen magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, halkaasi oo ay ka wadeen howlo caafimaad.

Muddadii Al-Shabaab ay gacanta ku haysay dhaqaatiirta, waxaa fashilmay isku dayo iyo wada-hadallo la doonayey in lagu soo daayo.