BF oo deg-deg ku ansixiyay heshiis difaac oo xasaasi ah oo DF ay la gashay Turkey

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd ansixiyey heshiiska ay maanta Golaha Wasiirrada soo ansixiyeen, kaasi oo wada-galeen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan oo ah mid xasaasi ah ayaa ku saabsan iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha, xilli ay Soomaaliya xiisad xooggan kala dhaxeyso Ethiopia oo ayadu ku kacday xad-gudub ka dhan ah, heshiis is-afgarad oo ay ku dooneyso badna la saxiixatay Somaliland.

Kulanka Baarlamaanka oo maanta ay fadhiyeen 216 mudane ayaa waxaa ogolaaday 213 mudane oo kamid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa diiday 3 mudane sida, uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Heshiiskan sida buuxda u meel-maray ayaa waxaa Soomaaliya usoo saxiixay sideedii bishan Wasiirka Difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Heshiiskan ayaa waxay muhiimaddiisu tahay ilaalinta xeebaha iyo difaaca dalka, wuxuuna kusoo aadaya, xilli ay taagan tahay xiisadda xooggan ee ka dhalatay heshiiska badda ee Somaliland iyo Ethiopia.

Si kastaba, Turkiga ayaa ah saaxiibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna taageero buuxda siiyaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu ka qayb qaato dib u dhiskooda.