Caasimada Online oo heshay warmurtiyeedka shirka madasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo gaaray Caasimada Online nuqulka war saxaafadeedka ka soo bixi doona madasha wadashiga kaasoo loo fadhiyay tan iyo bishii shanaad 29, 2016. Warsasxaafadeedka ayaa waxaanan lagu caddeeyn waxa uu noqondoono mustaqbalka magaalada Muqdisho oo ku nool yihiin afar meelood meel dadka Soomaalida ah oo dhan in ka badan 2 malyan oo shacab ah. Shacabka Muqdisho ayaanan ku lahaan doonin wax metelaad ah baarlabaanka la soo dhisi doono.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo wax garadka Gobolka Banaadir ayaa u sheegay Caasimada Online in aanay marnaba qaadan doonin in la duudsiyo xaqa aay leeyahin laba malyan oo shacab ah. Dadka Muqdisho ayaa aaminsan in Hoggaamiyaha Puntland C/Weli Gaas iyo Axmed Islaan Madoobe in aay ku shaqeeynayaan rabitaanka Addis Ababa oo ah in reer Muqdisho aanay wax saami ah ku yeelan siyaasadda dalka, iyo Itoobiya oo rabta in doorashada 2016 aay ka dhacdo Garoowe ama Kismaayo oo aay ku leeyihiin mug weyn si aay u maquuniyaan natiijada doorashada.

Halka hoose ka aqriso nuqulka war murtiyeedka

 

1 2