DF oo soo jeedisay arrin yaab leh oo ku aadan amniga Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta xukuumada Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa ku baaqay in shacabka ay dhigaan Hubka si wax looga qabto amni darada magaalada Muqdisho ka taagan.

Maareeye waxa uu sheegay in guri waliba oo ku yaalla magaalada Muqdisho ay la socdaan in Hub kala ceyn ah uu ku jiro, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Hubkaasi lagu soo wareejiyo Dowlada.

Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha amniga ay ku adag tahay inay xaqiijiyaan amniga magaalada Muqdisho iyada oo aan shacabka laga qaadin Hubka ay guryaha ku heystaan.

Sidaa aawgeed waxa uu Maareeye shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in Hubka gacantooda ku jira ay ku wareejiyaan dowladda si looga wada shaqeeyo amaanka guud ee dalka.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado dadaal fara badan oo ku aadan sidii loo sugi lahaa amaanka dalka.

Haddalka Maareeye ayaa kusoo beegmaaya xili goor sii horeysay Dowlada Somalia ay shacabka ku amartay in Hubka ay kusoo wareejiyaan Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com