Ciidamada Badbaado Qaran oo caawa qabsaday xaafado ku dhow VILLA SOMALIA

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiishii ciidanka badbaado qaran oo hadda shir jaaโ€™id ku qabtay meel u muuqata Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku goodiyey inay soo qabanayaan Madaxweynihii waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sarkaalkii u hadlay ciidanka badbaado qaran ayaa ka codsaday Raโ€™iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu ka hor wareego oo mudo dambe uusan u qaban, si Farmaajo ay u soo qabtaan.

Sidoo kale sarkaalkaan oo shirka jaraaโ€™id ku qabtay afaafka hore ee barta Control ee u dhaw taalada Sayidka ee laga ilaaliyo madaxtooyada dalka ayaa sheegay in hadii dagaal dhaco aysan burburi doonin wax ka badan halka kilo mitir ee Farmaajo uga jiro Muqdisho.

โ€œDhowr bilood ka hor ayaan ka tagnay halkaan, kadib markii uu na amray R/Wasaare Rooble, xiligaas waxaan ogeyn in Farmaajo uusan ka bixi doonin madaxtooyada, balse waxaan qadarineynay raโ€™isul wasaaraha, maanta ma laaba doono, anagoo soo qaban Farmaajo, isagaa nagu kalifaya inaan soo qabano,โ€ ayuu yiri sarkaalkaan.

Ciidanka badbaado qaran ayaa Rooble ka codsaday inuu ku fasaxo inay soo qabtaan Farmaajo, โ€œWaxaan ka codsaneynaa Rooble in waqti dambe uusan noo soo qaban oo uu naga hor wareego, Rooblow hana gaarsiin inaan anagu kala dhimano,โ€ ayuu yiri.

Sarkaalka u hadlay badbaado qaran ayaa intaas ku sii daray, โ€œ Waxaa idiin cadeynayaa hadii burbur dhacaayo, waxaa burburi doona halka KM ee Farmaajo ku jiro, intaan ka badan nagu sii xad gudbi maayo, bulshadana waxaan ka codsaneynaa garab istaag.โ€

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:
- Advertisement -

Read more

Local News